Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iyad Calawi Oo Booqasho Ku Tagey Muqdisho


Iyad Calawi
Iyad Calawi

Iyad Calawi oo ah madaxweyne ku xigeenka Ciraq, ahna ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas ayaa la kulmay madaxda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Ciraq, ahna ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Iyad Calawi ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Iyad Calawi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhoweeyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo kulan kula qaatay Garoonka Diyaaradaha ayaa uga mahadceliyey Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka booqashada ay ku yimaadeen dalka Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya iyo Ciraaq uu ka dhexeeyo Xiriir soo jireen ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay waftiga Iyad Calawi.

Iyaad Calawi, ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya, wuxuuna ballan qaaday in dalkiisu Soomaaliya ka gacan siin doono sidii ay mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd.

XS
SM
MD
LG