Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin cusub oo ku aaddan halista ka imaan karta fatahaado laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobka gu’ga oo ay sheegtay inuu aad uga badan yihiin kuwii sanadii hore.
Barnaamijka Ileyska VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay dowladda federaalka Somaaliya oo qorsheyneysa inay duulaan cusub ku qaado maleeshiyada Al-Shabaab kadib markii dagaalka ka dhanka ah kooxda uu hakad ku jiray muddo bilooyin ah.
Toddobaadkan waxaa laba sano ku beegan oo ay kasoo wareegtay markii la doortey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo xilka madaxtinnimada Soomaaliya mar labaad loo doortey, isagoo baddalay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Barnaamijka Wicitaankaa Dhageystaha ee toddobaadkan waxaan ku eegeynaa; sannad-guurada labaad ee dib u doorashadii madaxweynaha xilligan ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa sheegtay inay soo gabagabaysay dhagaysiga racfaanka kiiska Sayidcali Macallin oo maxkamad heer gobol ah horey ugu heshay inuu Muqdisho ku gubay Xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi una geeriyootay dhaawacii kasoo gaaray.
Ciidamada badda ee Yurub ayaa Jimcihii xabsiga dhigay lix qof oo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad-badeed Soomaali ah ka dib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal oo marayay Gacanka Cadmeed.
Markanna dhageystayaal waxa aad ku soo dhowaataan Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka waxaa marti ku ah Cabdirisaaq Aadan oo ah madaxa fulinta hay'adda Farsight Africa, horeyna usoo noqday la-taliye sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
WASHINGTON — Ku soo dhowaada barnaamijka Caweyska Washington, waxaadna ku maqli doontaan sheeko qosol leh oo ku saabsan dhaqammada isdiidan ee Soomaalida qurbaha iyo kuwa gudaha ku nool. Sidoo kale waxaan idiin haynaa wareysi Abwaan Baashe Xuseen Maxamuud.
Ku soo dhowaada Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, waxaana soo diyaariyey, soona jeedinaya Cabdulqaadir Maxamed Mursal (Samakaab).
Ku soo dhowaada Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee VOA waxaana toddobaadkan si wadajir ah u soo jeedinaya Ibraahim Xasan Daandureey iyo Nuur Xassan Nuur (Bukhaari).
Kuwo kale