Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baardheere: 2 Qof Oo Ku Dhintay Iska horimaad


Sawirro: Qaar ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG
Sawirro: Qaar ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG

Iska horimaadkan oo dhex maray askar ku sugnaa suuqa Baardheere, ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex qof.

Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah uu yahay rayid ayaa ku geeriyooay rasaas ay laba kooxood oo ciidamo ah isku waydaarsadeen magaalaada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Rasaasta ayaa qaraxday kadib markii koox ka tirsan askarta dawladda ay ku amreen askari kale oo ku sugnaa suuqa magaalada inuu qoriga dhigo taasoo kadibna isku beddeshay rasaas in la isweydaarsado.

Qofka labaad ee dhintay ayaa ka mid ahaa ciidanka.

Wararka aanu ka helayno dadka degaanka waxay sheegayaan inay rasaastaasi ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale oo laba ay yihiin askar midna rayid.

XS
SM
MD
LG