Barnaamijka Wicitaankaa Dhageystaha ee toddobaadkan waxaan ku eegeynaa; sannad-guurada labaad ee dib u doorashadii madaxweynaha xilligan ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Kenya waxay isku dayaysaa in gobollo ka mid ah dalkeeda ay kasoo kabtaan dadadkii dhowaan ku dhuftay oo ay ku dhinteen dad ka badan 200 qof, dadweynaha waddankaasina waxay jeedinayaan dhalliilo badan.
Musharaxa madaxtinimada Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu olole ka sameeyo gobolka Michigan todobaadkan, iyada oo gobolkan uu ka mid yahay gobollada faro ku tiriska ah ee saamaynta ku yeelan kara natiijada doorashada madaxtinimada ee bisha November.
Ciidamada badda ee Yurub ayaa Jimcihii xabsiga dhigay lix qof oo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad-badeed Soomaali ah ka dib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal oo marayay Gacanka Cadmeed.