Qatar ayaa maanta sheegtay in hoggaanka siyaasadeed ee Xamas ay ku sii nagaan doonaan Doha inta joogitaankoodu uu faa’iido u leeyahay dadaallada dhex-dhexaadinta ee looga dan leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Gaza.
Qaar ka mida ururada samafalka ayaa isku dayaya inay jebiyan go’doominta ay Israa’iil ku hayso marinka Gaza, iyaga oo adeegsanaya maraakiib kala duwan oo sida gargaar bani’aadannimo.
Hogaamiyayaasha caalamka ayaa maanta kulan waxa uu uga furmayaa magaalada Ottawa ee dalka Canada iyagoo ka wada hadlaya sidii heshiis caalami ah looga gaari lahaa wasakhowga ka dhasha bacaha oo sanad walba sii kordhaya.
Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen xilli ay ka gudbayeen marinbiyoodka English Channel, ee isku xira koonfurta Ingiriiska iyo waqooyiga France, saacado yar kaddib marki ay dowladda Britain ansixsay sharci lagu tarxiilayo qaxootiga sharci-darrada ku gala dalkeeda.
Gantaallo laga soo tuuray Woqooyiga Ciraaq ayaa habeenkii Axadda lagu weeraray saldhig ay Suuriya ku leeyihiin isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo, sida ay ku warrameen ciidamada amniga Ciraaq.
Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta booqasho naadir ah ku tegay dalka ay deriska yihiin ee Ciraaq, ayada oo biyaha, shidaalka iyo amniga gobolka ay yihiin ajendayaasha ugu weyn.
Milatariga Israel ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay in uu is casilayo madaxa agaasinka sirdoonka ee ciidanka Israel.
Kuwo kale