Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xeebaha Somalia Oo 2 Doon Lagu Afduubtay


Mid ka mid ah labada doonyood ayaa Burcad Badeedu ay sii daayeey, waaxana ay weli gacanta ku hayaan middii kale iyo 15 shaqaale.

Kooxo Hubaysan oo loo malaynayo inay yihiin Burcad Badeed ayaa shalay afduubay laba doonyood oo ku sugnaa Xeebaha Puntland, sida uu sheegay agaasimaha la dagaalanka Burcad Badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir “Ducaysane”.

Cabdirisaaq Ducaysane oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in labadaas doonyood mid ka mid ah la sii daayay iyada oo aan la garaneyn waxa lagu sii daayey.

Kooxda Burcad Badeeda ayaa waxa ay weli gacanta ku hayaan doontii kale iyo shaqaalihii saarnaa oo gaaraya illaa 15 qof.

Agaasimaha la dagaalanka Burcad Badeeda Puntland ayaa sheegay in arrintani ay calaamad u noqonayso in Burcad-badeedii Soomaaliya ay mar kale dib usoo laabanayso.

Sanadihii ugu dambeeyey ayaa waxaa aad u yaaraday weerarada Burcad Badeeda ay ka gaystaan xeebaha Soomaaliya ee lagu afduubto maraakiibta shisheeye ee badda ku safaraya.

Agaasimaha la dagaalanka Burcad Badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir “Ducaysane”, ayaa khadka Telefoonka ugu warramay Ismaaciil Xuseen Farjar.

Burcad Badeeda
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:26 0:00

XS
SM
MD
LG