Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa ka Cusub Xaaladda Jannaale?


Jannaale, Somalia
Jannaale, Somalia

Gurmad ciidan oo ka baxay magaalada Baraawe ayaa shalay gaadhay Jannaale, waxaana wararku sheegayaan in la helay ciidan ka tirsanaa kuwii ku sugnaa saldhigga Jannaale.

Wararka ka imanaya magaalada Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegaya in xaaladdu maanta ay deggan tahay kadib weerar culus oo Al-Shabaab ay shalay saacadihii hore ku qaadday saldhig milatari oo ay ku sugnaayeen ciidamada Midowga Afrika, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda.

Gurmad ciidan oo ka baxay magaalada Baraawe ayaa shalay gaadhay Jannaale, waxaana wararku sheegayaan in la helay ciidan ka tirsanaa kuwii ku sugnaa saldhigga Jannaale.

Ugu yaraan 19 askari oo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ayaa ku dhintay weerarka, tiro kale oo intaas le’egna wa ala la’yahay sida ay idaacadda VOA u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Afhayeen u hadlay ciidamada AMISOM ayaa VOA u sheegay inaysan weli haynin tiro sax ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka, balse waxa uu sheegay in khasaare soo gaadhay.
AMISOM ayaan weli go’aan ka gaadhin in saldhiga Jannaale uu sii jiro iyo in ciidanka halkaais laga raro.

Wararkii ugu dambeeyey iyo jawaabta ay maamulka Gobolka iyo AMISOM ka bixinayaan, ayaa Haaruun Macruuf waxa uu ka waraystay Ku Simaha Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Cali Nuur Maxamed, ugu horraynna waxa uu weydiiyey wararkii ugu dambeeyey ee Jannaale.

Wareysi: Cali Nuur
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:30 0:00

XS
SM
MD
LG