Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo Baadhaysa Dhacadadii Xabsiga Dhexe


Somaliland New Police
Somaliland New Police
Maxaabiista u xidhan falal argagixiso iyo budh-cad badeednimo ayaa shalay sameeyey isku day ay kaga baxsanayaan xabsiga, balse waxaa qorshahaasi fashiliyey ciidanka amniga.

Mas'uuliyiinta ayaa sii wada baadhitaankooda. Mid ka mid ah ilaalada xabsiga ayaa dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen shilkaasi.

Dhinaca kalena xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ayaa maanta ugu baaqay xukuumadda inay dadweynaha u soo bandhigaan habka ay baaristaasi u samaynayaan iyo natiijada ka soo baxdaba.

Faadumo Siciid Ibraahin oo ah Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga UCID oo ka mid ahayd masuuliyiintii wax ka dhisay xabsigan ayaa u warantay weriyaheenna magaalada Hargeysa Ismaaciil Xuseen Farjar.

Hoos ka dhagayso waraysiga
please wait
Embed
probe
by VOA

No media source currently available

0:00 0:04:09 0:00
XS
SM
MD
LG