Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yaa Ka Dambeeyey Qaraxii Jazeera Hotel?


Somalia al-Shabab
Somalia al-Shabab

Sarkaal sare oo ka tirsan laamaha amniga ee Soomaaliya ayaa idaacadda VOA u sheegay in nin Soomaali ah oo ku noolaa dalka Jarmalka laguna magacaabo Cabdirisaaq Muuse Buux uu ka dambeeyey qaraxii lala beegsaday Jazeera Hotel.

Sarkaalku waxa uu sheegay in Cabdirisaaq uu muddo saddex sano ah ku noolaa dalka Jarmalka, laakiin ma caddaynin inuu haystay dhalashada waddankaasi iyo in kale.

Sarkaalka oo codsaday in magaciisa la shaacin ayaa sheegay in Cabdirisaaq uu ku dhashay dalka Liibiya gaar ahaan magaalada Tripoli, hadda ka horna uu ku soo noolaa dalka Masar.

Baadhitaan dheeraad ah oo la sameeyey ayaa muujinaya in ninkaasi uu sidoo kale kusoo nolaa magaalada Boorama ee Somaliland.

Goor hore oo maanta ahna Wasiirka Amniga Gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa VOA u sheegay in dawladdu hayso xog muujinaysa in nin ka yimid dalka Jarmalka uu qaraxaasi ka dambeeyey. Waxa uu wasiirku sheegay in baadhitaanku uu weli socdo uuna muujinayo in dad aan ka tirsanayn Al-Shabab ay ku lug lahaayeen weerarkaasi.

Maamulka Jazeera Hotel ayaa iyaguna sheegay inay durba bilaabeen dib u dhiska qaybihii ku burburay weerarka.

Waraysiyada ku saabsan qaraxaas hoos ka dhagayso

XS
SM
MD
LG