Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dastuurka oo Laga Shiray


Magaalada Muqdisho
Magaalada Muqdisho

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay ururada bulshada rayidka Soomaaliya, 60 xubnood oo ka socday labada gole ee dowladda, maamul goboleedyada iyo guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka.

Shir looga hadlayey doorka ay ururada bulshada rayidka ka qaadan karaan dib eegista dastuurka Soomaaliya oo muddo laba maalmood ka socday magaalada Muqdisho, ayaa maanta lasoo geba gebeeyey.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay ururada bulshada rayidka Soomaaliya, 60 xubnood oo ka socday labada gole ee dowladda, maamul goboleedyada iyo guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka.

Geba gebadii shirkaas, ayaa waxaa laga soo saaray 14 qodob oo muhiim ah, oo ay ka mid ahaayeen in dib u eegista dastuurka ay noqoto mid Soomaalida ay hoggaamiso, si dastuurka u noqdo mid Soomaalida ay leedahay.

Waxaa sidoo kale qodobada ka mid ahaa in dastuurka lagu qoro luuqadda Soomaalida, islamarkaana qodobbada si wanaagsan loo sharxo.

Arrimaha sida aadka ah looga dooday ayaa waxaa ka mid ahaa qodobada awood qeybsiga iyo xuduudaha ee dastuurka.

Weriye Zeynab Abuukar, ayaa warbixin nooga soo diyaarisay.

Warbixin: Shirka Dastuurka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:42 0:00

XS
SM
MD
LG