Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Toogasho Ka Dhacday Muqdishu


Toogashadan ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen dablay ku hubaysan bastoolado, waxaana ay ka dhacday xaafadda Arjantiina oo ka tirsan degmada Kaaraan.

Mid ka mid ah saraakiisha la bartilmaameedsaday oo lagu magacaabo Axmed Sheekh Cabdulle ayaa la sheegay in goobta lagu dilay, halka mid kalena la dhaawacay. Sarkaalka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Cabdiraxmaan Garweyne.

Ilaa hadda ma cadda cidda ka dambaysay weerarka, mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadda.

Labada sarkaal ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen nabadsugidda madaxtooyada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxow oo VOA u warramay ayaa sheegay in ciidnaka nabad-sugidda degmada Kaaraan inay hawlgal sameeyeen ayna soo qabteen laba qof oo la tuhmayo.
please wait
Embed
karan
by VOA

No media source currently available

0:00 0:02:58 0:00
XS
SM
MD
LG