Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Magacyada Saraakiisha Qaramada Midoobay ee lagu dilay Gaalkacayo


Wararka ayaa sheegaya in labada nin ee la dilaya ay kasoo degeen garoonka kadibna nin hubaysan uu rasaas ku furay.

Labadan qof ee la dilay ayaa la sheegay inay kala yihiin Simon Davies oo u dhashay dalka Biritan iyo Clement Gorrissen oo u dhashay dalka Faransiiska.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay VOAda waxaa uu ku sheegay in mid ka mid ah labada nin ee lagu dilay halkaasi uu u dhashay dalka Biritan, halka kan labaadn uu kasoo jeedo Kanada.

Xilliga toogashadu dhacday ayaa la sheegay in qayb ka mid ah garoonka ay ku sugnaayeen mas'uuliyiin ka tirsna mamaul Goboleedka Puntland.

Wararku waxay sheegayaan in qofka dablayyda ah ee dilay labada nin uu xirnaa diirayska booliiska ilaaliya garoonka "Cabdullaahi Yuusuf Axmed" ee magaalada Gaalakacayo.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa xaqiijiyey in labada qof ay u shaqaynayeen Qaramada Midoobay Xfaiiska u qaabilsan la dagaalanka daroogada iyo dambiyada (UNODC).

Mr Kay waxa uu cambaareeyey weerarka, waxana uu ugu baaqay mas'uuliyiinta Puntland inay sameeyaan baadhitaan buuxa oo caddaaladda lagu horkeenayo cidii ka dambaysay weerarkaas.

Waraysiga Madaxweynaha Puntland iyo wararka arrintan ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:37 0:00
XS
SM
MD
LG