Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Oo Xilka ka Degaya


Shir jaraa'id oo uu maanta qabtay, ayuu Ahmed Davutoglu ku sheegay in midnimada xisbiga darteed, ay muhiim tahay in is-beddel lagu sameeyo hoggaanka.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa sheegay inuusan raadin doonin in dib loogu doorto hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee AKP, taasi oo macanaheedu yahay inuu xafiiska ka tagayo.

Shir jaraa'id oo uu qabtay kadib kulan uu la qaatay xubnaha xisbiga, ayuu Ahmed Davutoglu ku sheegay in midnimada xisbiga darteed, ay muhiim tahay in is-beddel lagu sameeyo hoggaanka.

"Ma dareemayo wax guul darro ah, kamana shalaynayo go'aankan" ayuu yiri Ahmet Davutoglu.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa goor dambe oo shalay ahayd la kulmay Ahmet Davutoglu, hase yeeshee waxaa la sheegay inay ku guul darreysteen inay xaliyaan khilaaf ka dhex oogan.

Davutoglu ayaa la rumeysan yahay inuu kasoo horjeeda qaar ka mid ah siyaasadaha Erdogan oo ay ka mid yihiin is-beddel lagu sameeyo dastuurka, oo madaxweynaha dalka siinaya awood dheeri ah, xilli iminka uu yahay kaliya xil sharafeed.

Si kastaba, waxa uu maanta sheegay in go'aankan uu isaga gaaray, oo aysan jirin wax khilaaf ah oo kala dhaxeeya Erdogan.

XS
SM
MD
LG