Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkish Airways oo Muqdisho ka Degtay


Turkish airline
Turkish airline

Diyaaradda Turkish Airways ayaa maanta caga-dhigatay garoonka diyaardaha Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho kadib muddo laba todobaad ah oo aanay halkaasi fariisan.

Qaar ka tirsan madaxda shirkadaha dhoofka ee xiriirka la leh diyaaradda Turkish ayaa VOA u xaqiijiyay in duullimaadkan aanu kamid aheyn kuwii caadi ahaa ee ay Muuqdisho ku tagi jirtay, hase yeeshee ay maanta sidday Gargo ay leeyihiin Turkiga Soomaaliya jooga.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa hakinta duulimaadyadii ay diyaaradohoodu Caasimadda Soomaaliya ku tagi jireen ku micneeyay sababo la xiriir cimilada Muqdisho oo aad u xumeyd iyadoo dabeylo xoogani ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayeen.

Saraakiisha amniga Soomaaliya ayaa horey u sheegay in amaanka garoonka diyaaradaha Aadan-cadde aad loo adkeeyay isla markaana hannaan cusub oo baaritaanno ah lagu soo kordhiyay, wixii ka dambeeyay qarixii lala damacsanaa diyaaradda Daallo horraantii bishan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa lagu arkayay gigidda iyadoo dadka dhoofaya iyo kuwa soo dagaya oo mas'uuliyiin iyo rayidba leh si isku mid ah loo baarayo

Wararka aannu heleyno ayaa sheegaya in duullimaadyadii Turkish Airways ee caadi ahaa ay dib u billaaban doonaan todobaadkan gudihiisa.

XS
SM
MD
LG