Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry: Ruushku wax Haka Baddelo Duqeynta Syria


Xoghayaha Arr. Dibedda Maraykanka John Kerry ayaa ayaa Ruuska ku eedeeyay inay duqeynayaan kooxaha mucaaradka ah ee sharciga ah ee dalka Sriya iyo waliba dad rayid ah.

John Korry oo ka hadlayay shirka amniga ee hoggaamiyasha adduunka qaarkood uga socda magaalada Munich ee Jarmalka.

Kerry ayaa sheegay in duqeynta ugu badan ee Ruushku ka wado Syria ay la beegsanayaan kooxaha mucaaradka sharciga ah.

Kerry ayaa Ruushka ugu baaqay inuu wax ka baddalo bartilmaamedsiga kooxaha mucaaradka, wuxuuna sheegay Ruushka inay muhiim tahay inuu u hoggaansamo heshiiskii ay waddamada quwadduhu shalay galeen ee ku baaqayay in colaadda Syria la joojiyo .

RW Ruushka Dmitry Medvedev ayaa beeniyay in Ruushku uu dad rayid ah duqeeyay.

XS
SM
MD
LG