Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry: Waa Xilligii Xal Siyaasadeed Loo Heli Lahaa Syria


Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka , John Kerry, ayaa sheegay in la joogo waqtigii xal siyaasadeed loo heli lahaa mushkiladda daba dheeraatay ee dalka Syria.

Isagoo maanta oo Sabti ah ka hadlayay Shirka Amaanka ee ka socda Magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayuu Mr. Kerry yiri, "cid kastoo ay dani ugu jirtaba colaadda Syria waxey u baahantahay in xal laga gaaro si nabad waarta dalkaasi ay ugu soo noqoto."

Kerry waxa uu sheegay in go’aamada la gaaro maalmaha ama todobaadyada soo socdaa ay ku xiranyihiin in Syria ay nabad ka dhalato iyo inay furmaan albaabada colaad sii hurta oo sii burburisa inta ka hartay dalkaas.

Sidoo kale gelinkii hore ee maanta, ayuu Ra’isul wasaaraha Ruushka, Dmitry Medvedev, waxa uu sheegay in eedeymaha dalkiisa loo soo jeedinayo ee ah inuu dad rayid ah ku duqeeyay Syria ay yihiin kuwa aan sal laheyn.

Waxana hadalkiis uu jawaab u ahaa Ra’isul wasaaraha Fransiiska , Manuel Valls, oo saacado ka hor ugu baaqay Ruushka inay joojiyaan duqeynta dadka rayidka ah ee Syria, taasoo uu sheegay inay muhim u tahay xal nabadeed oo dalkaasi laga gaaro.

XS
SM
MD
LG