Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pakistan: Al-Qacidadii K/Asia Waa Burburinay


Afhayeenka milatariga Pakistan ayaa sheegay inay xireen 97 mintidiin ah oo ka tirsanaa Al-Qacida Koonfurta Asia.

Pakistan ayaa ku dhowaaqday inay burburisay shabakaddii ugu weyn Al-Qacida ee koonfurta Asia, ayna fashilisay qorshe uu xabsiga kaga baxsan lahaa nin ku lug lahaa dilka weriye Daniel Pearl.

Lt. Gen. Asim Bajwa, oo ah afhayeenka milatariga Pakistan ayaa sheegay inay xireen 97 mintidiin ah, oo uu ku jiro Farooq Bhatti – oo sidoo kale loo yaqaan Musanna – Kaasi oo ah ku xigeenka madaxa Al-Qacida ee gobolka.

Bajwa waxa uu sheegay in dadka la xiray ay sidoo kale ku jiraan 12 ka mid ah dadka maal-geliya Al-Qacida, 15 khuburo dhinaca walxaha qarxa ah iyo madaxa Al-Qacida ee Afghanistan.

Hoggaanka sare ee kooxda la mamnuucay ee Lashkar e Jhangvi (LeJ), ayuu Bajwa sidoo kale sheegay inay xireen.

Dadka kale ee la xiray waxaa ku jira 47 ka mid ah mintidiin howshoodu ahayd inay fuliyeen weerarada.

XS
SM
MD
LG