Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Somali Loo Maxkamdeynayo ISIS


Abdirizak Warsame
Abdirizak Warsame

Cabdirisaaq Maxamed Warsame, ayaa ku eedeysan dambi ah in uu taageero u fidinayay kooxda Daacish.

Nin Soomaali reer Minnesota oo ku eedeysan dambi ah in uu taageero u fidinayay kooxda ISIS, ayaa la filayaa in maanta maxkamad la soo hor istaajiyo.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP, Cabdirisaaq Maxamed Warsame, oo 20 jir ah, ayaa la filaya in uu qirto dambiga uu ku eedeysan yahay, ee ah in uu dhalinyaro kale oo Soomaali ah ka caawiyo inay u safraan Siiriya si ay kooxda Daacish ugu dagaallamaan.

Warsame, ayaa la rajeynayaa in uu ka soo hormuuqdo Khamiista maanta Maxkamad federal ah oo ku taala gobolka.

Sagaal kale oo ka tirsan kooxdaasi, ayaa hore loo maxkamadeeyay, iyadoo hal ruuxna la rumeeysan yahay in uu Siiriya ku sugan yahay halka seddex kalena dambigii lagu soo eedeeyay lagu helay.

Shan ruux oo kale, oo isla arrimahan ku eedeysan ayaa iyaguna la rajeynayaa in maxkamad la horkeeno bisha May ee soo socota.

XS
SM
MD
LG