Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo Baahisay Fuliyihii Weerarkii Jazeera


Dowladda Somalia ayaa ku sheegtay C/risaaq Muuse Buux, oo 30 sana jir ah oo ka soo jeeda magaalada Boorame ee gobolka Awdal inuu ahaa ninkii fuliyay qaraxii ismiidaminta ahaa ee loo adeegsaday gaariga xamuulka ah ee walxaha qaraxa laga soo buuxiyay ee lagu weeraray 26kii bishan hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho ee ay ku dhinteen 17 qof, tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka weerarkan ku dhintay ku dhintay waxaa ka mid ahaa 2 suxufi, halka mid kalana uu ku dhaawacmay.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sharaxay qaabka uu qaraa u dhacay iyo heybta qofka la tuhunsanyahay inuu fuliyay.

Sida lagu sheegay qoraalka qaraxa oo ismidaamin ahaa waxaa loo adeegsaday gaari nooca xamuulka ah (Nissan UD) oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasoo sida war saxaafadeedku uu sheegayo ku dhex dhuuntay dad qaxooti ah oo laga rarayey agagaarka Hoteelka, wuxuuna dusha soo saartay joodoriyaal & alaab guri.

Warsaxaafadeedka ayaa ku sheegay qofkii weerarka fuliyay C/risaaq Muuse Buux, ina Shukri Faarax, 30 jir ah , Reer Boorame ah, ku dhashay magaalada Tripoli-Libya, wuxuuna ku noolaa magaalada Born, Dalka Jarmalka. C/risaaq wuxuu soo maray Dalka Masar, markii uu dalka dib ugu soo noqonayey sanadkii 2012kii.

C/Risaaq wuxuu ku soo biiray ururka Al-shabab 2013kii, iyadoo dad qurbo joog ah ay ku soo tashkiiliyeen sida lagu sheegay war saxaafadeedka dowladda.

Dowladda ayaa sidoo kale warsaxaafadeedkan ku baahisay nin ay ku sheegtay C/naasir Axmed Buuni oo haatan ku suggan magaalada Borame inuu ku lug lahaa weerarka oo uu qofkii fuliyay dusha ka hagayay.

Sidoo kale dowladdu waxey sheegtay inay jiraan dad kale oo ay tuhmayaan inay ku lug lahaayeen fududeynta weerarkaa oo uu ku jiro nin horey uga tirsanaa hogaamiye kooxeedyada Somalia, oo markii uu qaraxa dhacay ka dib ka cararay Muqdisho sida war saxaafadeedka lagu sheegay.

Marka laga soo tago shimashada iyo dhaawaca ka dhashay qaraxa, dowladdu waxey sheegtay in uu geystay qasaare hantiyeed. Waxaa ku burburay gaadiid gaaraya 5 gaari iyo hal mooto. Waxaa kaloo uu burbur xoogan gaarsiiyay dhismaha hotelka la weerarrey & guryo kale oo ka ag dhowaa.

Sidoo kale dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa 2 suxufi, halka mid kalana uu ku dhaawacmay weerarkaas.

Qaraxaan mas’uuliyaddiisa waxaa sheegtay Ururka Al-shabab.

XS
SM
MD
LG