Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda: Doorasho ma Dhici karto 2016


Baarlamaanka Soomaaliya
Baarlamaanka Soomaaliya

Baarlamaanka iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa go'aamiyay in doorasho aanay ka dhici karin Soomaaliya sannadka soo socda ee 2016.

Kulan ay baarlamaanka iyo xukuumaddu Muqdisho ku yeesheen ayaa go'aankan looga dhawaaqay.

Kulankan waxaa shir guddoomiynayay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, waxaana ka qeybgalay 158 xildhibaan iyo Ra'iiusl-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Kulankan ayaa laga sheegay inay jiraan caqabaddo aan saamaxayn in doorasho dalka ka dhacdo sannadka danbe.

Kulan ayaa laga soo saaray baaq ah in la qabto shirweyne dhexmara xukuumadda iyo maamullada gobollada si looga tashado wakhtiga ay doorasho Soomaaliya ka dhici karto.

Maalinta berrito waxaa lagu wadaa in Muqdisho lagu qabto kulan hiigsida 2016 oo ay ka qeybgalaan dowladda, maamullada iyo ergooyin ka socda beesha caalamka.

XS
SM
MD
LG