Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Xooggan oo ka Dhacay Muqdisho


Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu goordhowayd qarax xooggani ka dhacay goob u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Weriyaha VOA Axmed Xasan Colaad ayaa sheegay in qaraxan lala eegtay hotelka Jazeera oo ka mida goobaha la seexdo ee ugu caansan magaalada.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay VOA in gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey lagu dhuftay irida hore ee Jazeera Hotel.

Illaa hadda faahfaahin badan lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama uu safar ku marayo gobolka.

Shalay Sabtidii ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka oo lagu magcaabo Cabdullaahi Xuseen Maxamuud.

XS
SM
MD
LG