Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM: Kama Baxayno Dhul aan Qabanay


Wakiilka Gaarka ah ee Midawga Afrika u qaabilksan Somalia isla markaana ah madaxa Ciidanka Nabad Ilaalinta Midawga Afrika ee AMISOM Ambassador Maman Sidikou ayaa beeniyey warar sheegaya in Ciidamada AMISOM ay dib uga oo guranayaan deegaamadii ay hore uga qabsadeen Al-shabaab.

Warsaxaafadeed uu soo saaray ciidanka AMISOM ayaa lagu sheegay “Ambassador Sidikou wuxuu jecelyahay inuu idiin caddeeyo in Ciidamada AMISOM aanay ka baxayn magaalo ama goob kale oo ay ka qabsadeen Alshabaab taas oo u saamaxaysa Alshabaab inay markale dib ugu soo noqdaan, si ay waxyeello u gaadhsiiyaan shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel, sidii ay ku samayn jireen ka hor intii aan ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia hawlgallada bilaabin” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed uu soo saaray Ciidanka AMISOM.

Warsaxaafadeedka oo sii socda ayaa lagu sheegay “AMISOM iyo Ciidanka Soomaaliya waxay xilligan ku hawlan yihiin dib u qaabayn iyo is abaabul, sidii ciidamo loo geyn lahaa, si dib loogu soo nooleeyo qorshe mar hore dejisnaa taas oo u suuro gelisay in deegaanadan gacanta lagu dhigo, la xoojiyo isla markaana la isku baahiyo gacan ku haynta illaa 80% ka mida dhulka ku yaalla Koonfurta Soomaaliya”

Ambassador Sidikou ayaa kula taliyey dhammaan dhinacyada Soomaalida inay iska illaabaan wararka been abuurka ah ee la doonayo in lagu abuuro cabsi gelin iyo in sawir xun loogaga bixiyo Ciidamada AMISOM.

Warkan ka soo baxay Ciidamada AMISOM ayaa ku soo beegmaya iyada oo toddobaadkan ay ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika ay ka baxeen magaalooyin kala duwan oo ku yaalla gobolka Shabeelada Hoose oo ay ugu dambaysay Degmada Qoryoolay oo ay shalay ka baxeen.

XS
SM
MD
LG