Isku xirrada

War Deg-Deg ah

California: 2 Lagu Eedeeyey ku Biirista Daacish


Labo nin oo ka soo jeeda gobolka Califronia ee dalka Maraykanka ayaa lagu helay inay maleegayeen inay u socdaalaan Bariga Dhexe si ay ugu biiraan kooxda mitidka ah ee ISIS.

Muhanad Budawi iyo Naadir al-Huzayel oo labaduba 24 jirro ah ayaa Jimcihii shalay hor yimid maxkamad federaali ah, maalin ka dib markii xabsiga loo taxaabay.

War laga helay wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in dambiyada lagu helay labada nin ay ahaayeen inay adeegsadeen shabakadaha xiriirka bulshada oo ay ka hadleen ururka Daacish iyo weerarada argagixiso, isla markaana ay muujiyeen inay doonayaan inay dhintaan iyo shuhado ah. Eedaha waxa kale oo ka mid ahaa in Mr. el Xuzayel loo diyaariyey inuu Maryakanka ka dhoofo oo uu ururka ISIS ku biiro.

XS
SM
MD
LG