Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ban: Colaadda Yemen Somalia ay Halis ku Tahay


Xoghayaha Guud ee QM, ayaa warbixin uu gudbiyay Golaha amniga ee QM wuxuu ka digay in colaadda ka taagan dalka Yemen ay wado cusub u furi doonto oo ay Soomaaliya ku galaan dhaq-dhaqaaqa jihaadoonka ee ku sugan dhinaca gacanta cadmeed.

Ban wuxuu sheegay in amniga Soomaaliya iyo gobolkaba ay al-Shabaab halis ku tahay, isagoo farta ku fiiqay weerarada sii socda ee al-Shabab ay ka fuliyeen caasimada Muqdisho, gobollada bartamaha iyo koonfurta, Puntland iyo waliba xasuuqiii ay ka geysteen jaamacadda Garissa.

Ban wuxuu sheegay in mashaqada ka taagan Yemen ay uga sii dari karo inay xasilooni darro gobolka ka abuurto.

Dhinaca kale, kulan ay maanta lahaayeen golaha amniga ee QM, waxaa khubaddo ay uga warameen xaaladda Soomaaliya ka soo jeediyay RW Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, wakiiladda gaarka ah ee QM iyo Midowga Africa, Nick Kay iyo Maman Sidikou.

Mas'uuliyiinta ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Somalia iyagoo sheegay in horumar dhinaca siyaasadda ah uu jiro, balse wali ay sii socdaan halista ka imanaysa al-Shabaa.

XS
SM
MD
LG