Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Clinton: Waan u Baratamayaa Doorashada 2016ka


Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Maraykanka, Hillary Clinton ayaa ku dhawaaqday inay u tartamayso xilka madaxtinimo ee dalka ee sanadka 2016ka.

La-taliye sare oo Mrs. Clinton la shaqeeya ayaa tartankeeda shaaciyey Axaddii shalay, ka dib markii uu email u diray dadka lacagta ku deeqa iyo taageerayaasheedii doorashadii sanadkii 2008dii.

Clinton ayaa mar dabme si rasmi ah u shaacisay ololaheeda murashaxnimada madaxtinimo ee tartanka xisbiga Dimoqraadiga. Mrs. Clinton ayaa mar dambe video ay baraha xiriirka bulshada soo dhigtay arrintaas ku shaacisay. Ilaha qaarkood ayaa sheegaya in ay u socdaali doonto gobolada ugu horeeya ee laga codeeyo, sida Iowa iyo New Hampshire.

Tani waxay noqonaysaa markii labaad ee Clinton ay u soo banbaxdo tartanka, ka dib guuldaradii sanadkii 2008dii, xiligaas oo Barack Obama uu kaga guuleystay magacaabistii xisbiga Dimoqraadiga, ka dibna uu noqday madaxweynaha dalka.

Clinton ayaa loo badinayaa in xisbiga Dimoqraadiga ay iyadu ka soo bixi doonto.

XS
SM
MD
LG