Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Safar ku Tagaya Kenya


FILE - President Barack Obama.
FILE - President Barack Obama.

​Madaxweyanaha Maraykanka Barack Obama ayaa qorsheynaya inuu booqdo waddanka uu asal ahaan abbihiis ka soo jeedo ee Kenya, iyadoo booqashadan noqon doonto tii ugu horreysay ee uu dalkaasi ku tago isagoo madaxweyne ah

Eric Schultz oo ah kuxigeenka madaxa warbaahinta ee Aqalka Cad, ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in Madaxweyne Obama uu dhammaadka bisha July ka qeybgali doono shir caalami ah oo sannadkiiba mar la qabto oo ku saabsan abuurista ama hindisaha Ganacsiga.

Eric Schultz, wuxuu sheegay in madaxweyne Obama uu wadahadallo dhow geesood ah halkaasi ku yeelan doono, Eric ma uusan sheegin wakhtiga rasmiga ah ee safarka, iyo in madaxweyne Obama uu qorsheynayo inuu la kulmo iyo in kale qoyska reer Obama ee Kenya ku nool.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa inta uu xilka hayay wuxuu saddex jeer booqday Africa, laakiin muusan tagin Kenya, halkaasi oo aabihii uu ku dhashay noloshiisa intiisii badnaydna uu ku soo qaatay.

Madaxweyne Obama ayaa laakiin wuxu booqday Kenya markii uu ka mid ahaa aqalka senate-ka Maraykanka.

XS
SM
MD
LG