Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Wasiirkii Warshadaha oo Is Casilay


Wasiirkii Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur ayaa xilkii uu hayay iska casilay maanta isagoo ku sababeeyay in taladii ay badatay.

Wasiirka ayaa noqonayaa Masuulkii saddexaad ee iska casila xukuumada uu hogaamiyo madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo tan iyo markii uu madaxwayne Silaanyo isu dhaandhaynta ku sameeyey golihiisa wasiirada habeenimadii Jimcihii.

Hore ayaa waxaa isku casilay wasiirkii maaliyada iyo la taliyihii madaxwaynaha ee beelaha la hayb sooco.

Abiib Diiriye ayaa waraysi uu siiyay VOA uga warramay sababta isku casilay.

Dhegayso: Waraysiga Wasiirka Warashadaha Somaliland ee is casilay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:38 0:00

XS
SM
MD
LG