Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar Lagu Qaaday Gudoomiyaha Gobolka Bari


Hotunan Bankwana Da Halima Djimrao
Hotunan Bankwana Da Halima Djimrao

Hal askeri oo ka tirsanaa ilaalada Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Maxamed Galan ayaa dhintay mid kalena waa dhaawacmay kadib markii xalay fiidnimadii ay dabley hubeysani weerar bambo gacmeed ah ku qaadeen guriga uu magaalada Boosaaso ka degan yahay Guddoomiyaha gobolka Bari.

Guddoomiyuha Gobolka Bari C/samad Maxamed Galan ayaa VOA u xaqiijiyey in uu gurigiisa ka maqnaa xiliiga uu weerarkaasi dhacay.

Dableydii weerarka geysatay ayaa lagu soo waramayaa in ay baxsadeen, Wuxuuna Gudoomiyuhu sheegay in ay wadaan baadi goobka ciddii falkaasi geysatay.

XS
SM
MD
LG