Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Saddex loo Qabtay Taageerada ISIS


Saraakiisha Mareykanka ayaa maalintii shalay ahayd xiray saddex nin oo ajaanib ah kuwaasoo lagu eedeeyay in taageersan yihiin ururka Daacish, uuna midkood doonayay inuu dilo madaxweyne Obama. Saddexda nin ayaa laga kala qabtay gobolada New York iyo Florida.

Cabdiraxmaan Xuseen Furre ayaa warbixin innooga diyaariyay.

Haddaba 3dan nin ee la qabtay ayaa ah ku wii ugu dambeeyey ee dhalinyaro ku nool dalalka reer Galbeedka oo doonaya inay ku biiraan dagaalka uu ku jiro ururka ISIS ama inay taageero kale u fidiyaan. Dhinaca kale, Amiirka dalka Qatar ayaa booqasho ku yimid dalka Maraykanka, isaga oo madaxda dalka kala hadlay xiisadda dalka Suuriya.

Maxamed Cabdi Sandhere ayaa khadka telefonka ee magaalada Minneapolis kula xiriira Ibrahim Maxamed Maxamuud (Ibrahim Baqbaqaani) oo arrimaha Carabta aqoon u leh, waxana uu marka hore weydiiyey waxa ururka Daacish u sahlay in uu tiro badan oo dhalinyarada dalalka reer Galbeedka ku nool uu ku qanciyo inay ku biiraan si ka badan sida ururka AlQaacida iyo kuwa kale ee la aragtida ah.

Dhageyso warka 3da nin
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:10:30 0:00

XS
SM
MD
LG