Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Senate-ka oo Ansixiyey Miisaaniyadda W. Aminga


Aqalka Senateka ee dalka Maraykanka ayaa ka gudbay is-mari-waa aad u xoog badan oo khatar galiyey lacagta la siiyo Wasaaradda Amiga Gudaha, wasaaradaas oo mas’uul ka ah ilaalinta xuduudaha iyo garoomada dayuuradaha

Aqalka oo 100 mudane ka kooban ayaa Arbacadii shalay 98 ka mid ah ay ogolaadeen, halka 2 ka mid ahina ay diideen. Xubnahan ayaa u codeeyey waxa loogu yeeray qeynuunka maalgalinta nadiifta ah ee Wasaaraddan, lacagtaas oo waxyaabo kale lagu xireynin.

Aqalka Hoose ayaa horay u meelmariyey qeynuunkan toddobaadyo ka hor. Hase yeeshee, waxa la waxa qeynuunka la socday faqrad diidaysa in la maalgaliyo awoodaha madaxweyne Obama uu ku doonayo in la joojiyo mastaafurinta ilaa 4 milyan oo qof oo Maraykanka sharci darro ku jooga.

XS
SM
MD
LG