Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA iyo QM oo soo Dhoweeyey Xukuumadda Cusub


Ra'iisul wasaare Sharmaarke
Ra'iisul wasaare Sharmaarke

Dowladda Maraykanka ayaa soo dhaweysay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay RW Sharmaarke.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wakiilka Dawlada Maraykanka u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty ayaa lagu sheegay in talaabadani ay dhiiri gelinayso in dhamaan dadka ku lug leh arintan inay si deg deg ah u soo gabagabeeyaan arimaha ku saabsan dhismaha dawlada cusub.

Wakiilka Dawladda Maraykanka u qaabilsan Somalia James P. McAnulty ayaa sheegay:

“Dawlada Maraykanku waxay soo dhoweyneysaa dawlada cusub ee lagu dhawaaqay. Arintani waa talaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday dhismaha dawlad cusub oo gudata masuuliyada ka saaran sidii loo heli lahaa sugida nabadgelyada, dawladwanaaga, iyo aminga ilaa inta laga gaarayo 2016. Hada waxaa la joogaa waqtigii dhinac layska dhigi lahaa arimaha siyaasada loona soo jeensan lahaa sidii diirada loo saari lahaa danta qaranka.” ayuuu yiri Wakiilka Dawlada Maraykanka u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wakiilka Dawladda Maraykanka u qaabilsan Somalia ayaa lagu soo gebagebeeyey in Dowladda Mareykanka ay ka go’an inay garab istaagto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Sooomaaliya ee ku aadan sidii loo gaari lahaa nabadgelyo buuxda, xasilooni iyo barwaaqo.

Dhinaca kalena Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas Key ayaa soo dhoweeyey ku dhawaaqidda Golaha Wasiirada Federaalka cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya 27kii bishan Janaayo 2015.

“Ku dhawaaqiddan waa tallaabo muhim ah ee loo qaaday dhanka dhisidda xukuumad cusub,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

“Marka la ansaxiyo, Dowladda Federaalku waxay u baahnaan doontaa inay si degdeg ah wax uga qabato ujeeddooyinka dowlad dhisidda iyo nabadaynta ee ay Soomaaliya hiigsanayso. Wax badan baa weli haray in la qabto si loo dhammeystiro Aragtida 2016 ee Soomaaliya. Baarlamaanka Federaalka wuxuu leeyahay kaalin muhim ah oo degdeg ah oo uu ka cayaaro marinta/ansaxinta xeerar muhim ah iyo dhisidda guddiya madaxabanaan ee weli haray sida ku qoran dastuurka ku-meelgaarka, gaar ahaan Guddiga Qaran ee Doorashada ee Madaxabanaan.

Qoraalka uu soo saaray Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay ayuu ku sheegay in maalmaha iyo bilaha soo socda loo baahnaan doono jawi isutanaasulid iyo dibuheshiisiineed. isaga oo hadalkiisa sii raaciyey in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay taageerto dowlad dhisidda iyo nabadaynta Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG