Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: India Waan Isbaheysan Karnaa


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay maanta oo Talaada ah in Mareykanka uu noqon karo “Saaxibka ugu wanaagsan ee India” mar uu soo gabagabeynayay booqasho sadex maalmood qaadatay oo uu ku tagay New Delhi.

Madaxweyne Obama, oo dhalinyaro kula hadlayay kulan dadweyne, ayaa yiri “India iyo Mareykanku ma aha saaxibo si dabiici ah ku yimid, laakiin waxaan aaminsanahay in Mareykanku uu noqon karo dalka ugu wanaagsan oo ay isbaheystaan India.

Waxa uu intaasi ku daray in Mareykanka uu doonayo in Idia uu iskaashi la sameeyo si loola dagaalamo saboolnimada, loo horumariyo warshadaha iyo farsamada casriga ah, isla markaana loola dagaalamo isbedelka cimilida dunida.

Waxa uu sheegay in India ay sidoo kale noqon karto awood xooggan oo wax ka bedeli karta xaaladaha dalalka ay deriska yihiin, gaar ahaan dhinaca horumarinta baahida loo qabo talaalka caruurta.

XS
SM
MD
LG