Isku xirrada

War Deg-Deg ah

J. Boehner: Cidna Isha Farta kama aanan Galin


Afhayeenka Aqalka Hoose ee Maraykanka John Boehner ayaa marti qaaday RW-aha Israel Benjamin Natenyahu inuu bisha dambe khudbad ka jeediyo Congresska ee Maryakanka. Khudbadda Natenyahu ayaa ku saabsan khatarta Iran iyo ururka xagjirka ah. Hase yeeshee Mr. Boehner ayaanan arrintaas Aqalka Cad kala tashan.

Boehner ayaa Arbacadii shalay shaaciyey marti qaadkan oo dhici doona bisha February 11keeda. Talaabadan ayaa qeyb ka ah ajende uu xisbiga Jamhuurigu wato oo cunaqabateynta lagu sii adkeynayo dalka Iran, xilli ay Maraykanka iyo quwadaha kale ee dunidu ay isku dayayaan inay Iran heshiis la gaaraan si looga joojiyo in hubka nuclearka ah sameysato.

Natenyahu waxa uu col ba’an la yahay dalka Iran, waxana uu inta badan sheegaa inuu ka cabsanayo in Maraykanka uu tanaasul badan u sameeyo Iran, inta lagu jiro wadahadalada hadda socda.

Afhayeenka Aqalka Cad Josh Earnest ayaa sheegay in marti qaadka loo fidiyey Natenyahu uu u muuqdo in laga guuray, sida uu hadalka u dhigay, borotokolkii caadiga ahaa ee madaxweyne uu kula xiriiri laha dhiggiisa markii uu waddan kale u socdaalayo. Earnest ayaa sidoo kale warfidiyeenada u sheegay in Aqalka Cad uuna go’aan ku dhawaaqi doonin ilaa saraakiisha Maraykanku ay la hadlaan reer Israel.

John Boehner ayaa sheegay in Mr. Obama uu congresska ka filayo, sida uu hadalka u dhigay, in uu gacmaha laabto oo aanu waxba sameynin, xili uu heshiis xun la gaarayo dalka Iran. Labo kalmadood, ayuu yiri, kuwaas ah, “Maya, waxaas oo kale ma sameynayno.”

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa ka digay in cunaqabateyno cusub la saaro Iran, isaga oo soo xigtay warbixin toddobaadkan ka soo baxday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Qaramada Midoobay waxay soo saartay warbixin sheegaysa in Iran ay si buuxda ugu hogaansantay, mana jirto wax caddeynta oo muujinaysa inay heshiiskii barnaamijka nuclearka ay jabinayso. Markaa waxay ila tahay in woxogaa sumac ah aan halkaas ka helnay. Waxayna ila tahay inaan si taxadar leh u sii wadno wadahadalada iyada oo aan wax faragalin ah lagu sameynin”, ayuu yiri.

XS
SM
MD
LG