Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaas oo ka Hadlay Heshiiska Somalia iyo Somaliland


Abdiweli Gaas
Abdiweli Gaas

Prof. Cabdiweli Cali Gaas, madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka hadlay heshiiska ka kooban 6 qodob ee shalay ay Djibouti ku gaareen madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Prof. Gaas oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay inuu diidan yahay qodobo ka mid ah heshiiska, gaar ahaan arrimaha ka hadlaya maamullida hawada Soomaaliya, isagoo sheegay in heshiiskaasi ay markii hore qeyb ka ahayd Puntland, balse uu la yaaban yahay in dowladda Somalia iyo Somaliland ay kaligood isku koobeen.

Prof. Gaas wuxu kaloo sheegay in marka laga hadlayo masiirka arrimaha Soomaaliya aanay kaligood ku koobnaan karin madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Somaliland, loona baahan yahay in Puntland ay arrimahaasi qeyb ka noqoto.

Madaxda Somalia iyo Somaliland ayaa ku heshiiyay in la dar-dargaliyo wadahadalladii u socday, iyagoo ku heshiiyay in mar kale kulan ay ku yeeshaan Istanbul bisha Febraury 26-27-keeda.​

Dhageyso wareysiga Cabdiweli Gaas
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:25 0:00

XS
SM
MD
LG