Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahin: Heshiiska Somalia iyo Somaliland


Wadahadalada
Wadahadalada
Madaxweynayaasha Somalia, Djibouti iyo Somaliland
Madaxweynayaasha Somalia, Djibouti iyo Somaliland

Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta saxiixday heshiis ka kooban 6 qodob kaddib markii wadahadallo ay Djibouti ku yeesheen madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Heeshiiska ay Gaadheen Labada Dhinac
Heeshiiska ay Gaadheen Labada Dhinac

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la dar-dargaliyo wadahadaladii labada dhinac isla markaana wakhti lagu jaangooyo. Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen inay fuliyaan arrimihii ay horey ugu heshiiyeen ee ay ka mid yihiin inaan la siyaasadeyn deeqadaha dibedda laga helo iyo in la fuliyo heshiiskii hawada iyadoo farsamo lagu saleynayo wixii lagu heshiiyay.

Somalia-Somaliland Talks
Somalia-Somaliland Talks

Ladabad dhinac waxay kaloo ku heshiiyeen in ergooyin labada dhinac ka socda ay kulan kale ku yeeshaan dhammaadka bisha febraayo magaalada Istanbul, sidoo kalena Djibouti laga qeybgaliyo wadahadlladi marka loo baahdo.

Madaxweynaha maamulka Puntland Prof. Cabdiweli Cali Gaas ayaa isna soo dhaweeyay kulanka Djibouti ku dhexmaray madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo. Prof Gaas wuxuu sheegay in Puntland ay mar walba soo dhaweynayso cid walba oo Soomaali ah oo arrimahooda wadahadal ku dhameynaysa. Hadalkan ayuu Prof. Gaas ka sheegay magaalada Garoowe oo uu maanta ku noqday kadib safar uu uga yimid Ethiopia

Haddaba si aan xog badan uga helno qodobada lagu heshiiyey waxaan waraysiyo kala duwan la yeelanay, Wasiirka Arrimaha Debedda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo La-taliyaha Madaxweynaha Somalia Cabdikariin Axmed Guuleed.

Ugu horrayn halkan ka dhegeyso Warbixin la xidhiidha Heshiiska labada dhinac isla gaadheen:

Warbixinta Wadahadalada Somalia iyo Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:24 0:00

Haddaba VOA waxaa u suuro gashay inay khadka telefoonka ku waraysato La-Taliyaha Madaxweynaha Somalia Cabdikariin Axmed Guuleed iyo Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis. Caasha Ibraahin Aadan Caasha Cuud ayaa marka hore la hadlaysa Cabdikariin Axmed Guuleed:

Waraysiyada La Taliyaha Madaxweynaha Somalia iyo Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:56 0:00

Dhinaca kalena waxaan waraysi la yeelanay Wasiirka Arrimaha Debedda Djibouti Maxamed Cali Yuusuf

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Djibouti
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:01 0:00

XS
SM
MD
LG