Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waraysiga Xeer-ilaaliye Andrew Lugar


Jaaliyadda Minnesota
Jaaliyadda Minnesota

uran u dhexeeyey xarun Islaam oo ka dhisan gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyo magaalada St. Anthony oo daris la ah magaalada Minneapolis ee gobokaas ayaa waxa uu ku soo dhamaaday in magaalada St. Anthony ay ogolaato dhismaha xaruntaas oo ay markii hore diidday.

Ogolaanshaha magaaladu waxa uu ku yimid ka dib markii Xeer Ilaaliyaha Maraykanka ee Qeybta Minnesota Andrew Lugar uu dacwad madani ah ku oogay magaalada St. Anthony, arrintaas oo golaha deegaanka cadaadis ku keentay, kuna khasabtay inay dhismaha xarunta ogolaadaan.

Dhinaca kale, Xeer Ilaaliye Lugar ayaa dhawaan soo jeediyey barnaamij lagu macagaabo Community Resilience Program oo loogu talo galay in xagjirnimada lagaga hortago.

Haddaba Maxamed Cabdi Sandhere ayaa khadka telefonka ee magaalada Minneapolis kula xiriiray Xeer Ilaaliye Lugar, waxana uu marka hore wax ka weydiiyey barnaamijka cusub ee ka hortagga xagjirnimada.

Dhageyso Wareysiga Xeer Ilaaliye Lugar
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:44 0:00

XS
SM
MD
LG