Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dad u Dhintay Xanuun aan la Aqoonsan


Xasan Muungaab
Xasan Muungaab

Degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday in kabadan 10 qof, tiro badanna cisbitaallada ayaa la dhigay kadib markii ay dadkaasi ay ku dhaceen cudur aan la garanayn. Mid ka mid ah dadka cisbitaalka la geeyay ayaa VOA u sheegtay in cudurkan uu ku dhacay kaddib markii ay biyo ka cabeen ceel loo malaynayo inuu sumeysan yahay.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir, Xasan Maxamed Muungaab oo VOA wareysi gaar ah siiyay ayaa sheegay in cudurkan ay umalaynayaan inuu yahay shuban-biyood, balse ay ilaa imika baarayaan, wuxuuna sheegay in 95 qof oo biyahan cabay la dhigay cisbitaallada magaalada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka gobolka iyo kan degmaduba uu xiray ceelka loo malaynayo in biyaha laga cabay oo ku yaalla xaafadda Jungal ee degmada Yaaqshid.

Xaggan hoose ka dhegeyso Waraysiga Guddoomiyaha.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:49 0:00

XS
SM
MD
LG