Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Awood ku Ansixiyay Sharcigii Socdaalka


President Obama delivering a speech about immigration reform, Nov 20, 2014.
President Obama delivering a speech about immigration reform, Nov 20, 2014.

Madaxweyne Obama ayaa khudbad si weyn loo sugayay oo laga baahiyay tilifshanada dalkan maraykanka jeediyay wuxuuna awood Madaxweyne ku meel mariyay sharcigii socdaalka ee lagu muransanaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuuuu adeegsanayo awooodisa madaxweynanimo ee dastuuriga ah si uu u meel mariyo sharcigan kadib markii sida uu sheegay ay xisbiga jamhuuriga oo haysta aqlabiyada labada aqal ee sharci dajinta ay hor istaageen in shraciga ka soo gudbo golaha sharci dejinta.

Madaxweyne Obama ayaa ku dhawaaqay in imika laga bilaabo qof walba oo Maraykanka ku nool oo aan sharci haysan oo joogay shan sano isla markaana caruurtiisu ay ku dhasheen maraykanka la siin doono shari deganaanshiyo oo ku meel gaar ah. Laakin waxa uu sheegay waxaa marka hore la eegi doonaa inay wax dambi ah galeen isla markaana ay diyaar u yihiin inay cashuur bixyaan.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso nuxurka khudbadda Madaxweyne Oaba iyo Falanqayn ku saabsan:

Dhegays: Go'aanka Madaxweyne Obama ee Ansixinta sharciga socdaalka
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:44 0:00

XS
SM
MD
LG