Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Debed-baxayaal Gubay Baarlamaanka Burkina Faso


Wararka ka imana dalka Burkina Faso ayaa sheegaya in rasaas laga maqlayo meel u dhow madaxtooyada dalkaasi, ka dib markii goobtaas ay ka dhaceen mudaharaado kala duwani, waxaana dadka isu-soobaxa samaynayaa ay dab qabadsiiyeen dhismaha baarlamaanka.

Xiisadahan ka curtay dalka Burkina Faso ayaa yimi ka dib markii golaha sharci-dejintu uu soo jeediyey in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo dastuurka dalkaas, waxaana isbedelka cusub ee dastuurku uu fursad u siinayaa madaxweynaha dalkaas hoggaamiya inuu sii korodhsado muddo xileedka uu joogayo xafiiska.

Weriye u soo waramay VOA ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay isticmaaleen suntan dadka kaga ilmaysiisa iyo biyo xoog badan si ay banaanbaxayasha uga saaraan dhismaha baarlamaanka, laakiin dadka mudaharaadayey ayaa soo jabsaday xayn-daabkii loo sameeyey isla markaana buuxdhaafiyey dhismaha baarlamaanka.

weriyaha ayaa sidoo kale sheegaya in xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyadu ay rasaas u rideen hawada si ay u joojiyaan dadka mudaharaadka samaynaya kuwaas oo u jihaystay xagga madaxtooyada, waxaana taasi dhalisay in mid ka mida banaanbaxayaasha madaxa laga toogto.

XS
SM
MD
LG