Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askarta Britain iyo USA oo Afghanistan ka Baxaya


Askarta dalalka Britain iyo Maraykanka ayaa si rasmi ah u soo gababeeyey hawlgaladii dhinaca dagaalka ee ay ka wadeen gobolka Helman ee koonfurta dalka Afghanistan. Ciidankan ayaa gacan ku haynta saldhiggaas miliatari ee dalka ugu weyn ku wareejiyey ciidanka Afghanistan.

Calankii dalka Britian ayaa Axaddii hoos loogu dhigay xaflad ka dhacay xerada Bastion, iyada oo calanka Maraykankana si kama dambeys ah loogu dejiyey xerada tii hore dariska la ah ee Leatherneck.

Wasiirka Gaashaandhigga Britain Micheal Fallon ayaa ammaanay kaalintii dalkiisu uu ka qaatay la dagaalanka Taliban, isaga oo sheegay in xoogagga Britain ay hawlgaladoodii ku dhameystireen si sharafi ku jirto, iyo iyaga oo Afghanistna siiyey fursadda ugu wanaagsan ee mustaqbal xasilloon.

XS
SM
MD
LG