Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Maalgashiga Afrika oo London ka Socda


Shir ku saabsan maalgashiga Afrika ayaa maalintii shalay ahayd ka furmay magaalada London ee dalka Britian. Shirkaas oo labo maalmood soconaya ayaa maanta la soo gabagabeynayaa. Shirka waxa ka soo qeyb galay madax ka socota dalalka Afrika iyo shirkado ganacsi oo waaweyn oo danaynaya maalgashiga Qaaradda.

Haddaba Somalia waxa shirka uga qeyb galay madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Maxamed Cabdi Sandhere ayaa khadka telefonka ee magaalada London habeenkii xalay ahaa kula xiriiray waxana uu ugu horeyn weydiiyey faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan ujaadada shirka.

Wareysiga Gaas
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:50 0:00

XS
SM
MD
LG