Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muranka Garoomada Diyaaradaha Gaalkacayo


Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay ka noqdeen xayiraado ay kusoo rogeen garoonka diyaaradaha ee weyn ee magaalada Gaalkacayo oo ay maamulkiisa gacanta ku hayaan maamul Goboleedka Puntland. Dhinaca kale Galmudug waxay sheegtay inay doonayso in si siman loo wadaago garoonka.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa uga warramay laanta afka Soomaaliga ee VOA xayiraada ay ka qaadeen garoonka Gaalkacyo.

Dhinaca kalena, maamul Goboleedka Puntland ayaa beeniyey inay xayiraado kusoo rogeen garoonka ku yaalla Koonfurta magaalada Gaalakacayo. Puntland waxay sheegtay inaysan gorgortan ka galaynin maamulka garoonka weyn ee magaalada Gaalkacayo.

Wareysiyada labada masuul ka dhageyso xagga hoose.

MURANKA GAROOMADA GALKACYO
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:43 0:00

XS
SM
MD
LG