Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenyatta: Waan sii Joogeynaa Somalia


Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay khasab tahay inay sii joogaan Somalia si ay ula dagaalamaan ururka Al Shabab, oo mas’uul ka ahaa weerarkii sannadkii hore ay dadka badan ku dhinteen ee lagu qaadey Xarunta Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi..

Hadalka Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu soo beegay sannadguuradii 1aad ee ka soo wareegtey weerarkaasi oo ay ku dhinteen 67 qof, kuwaas oo badankooda ahaa dad halkaasi ka dukaameysanayey oo ay beegsadeen dabley ka tirsan kooxda Al Shabab.

Uhuru Kenyatta oo hadalkiisa lagu soo daabacey wargeyska the Sunday Nation ayaa sheegay in shacabka Kenya iyo walaalahooda Somalia ay xaq u leeyihiin inay la dagaalamaan Al Shabab si Bariga iyo Geeska Afrika u noqdaan goobo nabad iyo xasilooni ay dadku ku naaloodaan.

Inta badan shacabka Kenya ayaa munaasabadan u sameeyey xus iyo duco ku aaddan dadkii weerarkaasi ku geeriyoodey.

.

XS
SM
MD
LG