Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sambaloolshe: Waan Aqbalay Xil-ka-qaadista


Madaxwyenaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii shalay ahayd ka qeyb galay kulan ay lahaayeen Golaha Wasiiradda ee dawladiisu. Kulankaas ayaa lagaga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda gudaha iyo dibadda, iyo waliba cashuur ururin dhawaan bilaabatay.

Dhinaca kalena, madaxweynaha Somalia ayaa Golaha Wasiiradda ku raacay xil-ka-qaadis ay dhawaan ku sameeyeen Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe.)

Warbixin arrimahaas la xiriirta waxa Muqdisho ka soo diray wariyeeheena Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Qosyte.

Haddaba go’aankaas xil ka qaadista ah Agaasime Sambaloolshe ee madaxweynaha Somaliyana uu golaha wasiiradda ku raacay ka dib, ayaa waxa noo suuro gashay inaan wareysi la yeelanayo mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo ka hadlaya arrimo dhowr ah.

Falastiin Axmed Imaan oo khadka telefonka ee magaalaada Muqdisho ku wareystay ayaa marka hore weydiisay sida uu arko xil ka qaadista lagu sameeyey.

Warbixinta iyo wareysiga oo dhameystiran hoosta ka dhageyso.

Wareysiga Sambaloolshe
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:12:05 0:00

XS
SM
MD
LG