Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gadiidka AMISOM oo Dilay Wiil Yar


Wiil yar oo 14 jir ah ayaa dhintay maanta kadib markii mid ka mid ah baabuurta dagaalka AMISOM uu ku jiiray degmada Wardhiigle.

Wiilkan waxaa lagu magacaabaa Zakariye Xasan Maxamed.

Xasan Maxamed oo ah Aabaha dhalay wiilkan ayaa dowladda iyo Somalida ugu baaqay in arrintan wax laga qabto.

Aabaha dhalay wiilka iyo dad goob joog ahaa ayaa u sheegay VOA in gaariga jiiray wiilka iyo kolonyadii la socotayba aanay wax gurmad ah u fidin wiilka, isla markaana uu wiilka yar ku naf baxay isla goobtii lagu jiiray.

Ma ah markii ugu horreysay ee gaadiidka AMISOM ay qof ku jiiraan magaalada Muqdisho.

Dhageyso wareysiga Baabuurka AMISOM ee jiiray Wiilka
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:37 0:00

XS
SM
MD
LG