Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aabe: Wiilkaygu Wuxuu ku Biiray Daacish.


Aabo Soomaaliyeed oo magaciisa ku koobay Maxamed ayaa VOA u sheegay in wiilkiisa uu ka tagay magaalada Minneapolis kuna biiray ururka Daacish ee Syria. Wiilkaas oo 19-jir ahaa ayaa ku noolaan jiray magaalada Hamilton ee dalka Canada.

Wiilkan ayaa lagu magacaabaa Maxamud Maxamed.

Aabe Maxamed wuxuu sheegay in willkiisa uu tagay Syria laba bilood ka hor, isagoo sii maray dalka Turkey.

Aabaha ayaa sheegay inuu si weyn uga naxay markii uu ogaaday in wiilkiisu uu ku biiray kooxda Daacish ee Syria oo uu ku tilmaamay koox aan Islaam ahayn.

Harun Macruf oo ku sugan Minneapolis ayaa Aabe Maxamed la kulmay wareysina la yeeshay.

Dhageyso Wareysiga Aabe Maxamed
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:42 0:00

XS
SM
MD
LG