Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA oo Eedeysey Russia


Mareykanka ayaa ku eedeeyay Russia inay ku xadgudubtey heshiiskii taariikhiga ahaa ee mamnuucista tijaabada hubka nuclear-ka, kadib markii Moscow ay tijaabisey gantaalaha riddada dheer ee dhulka laga rido.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Barack Obama uu ku wargeliyey Madaxweynaha Russia Vladimir Putin in Mareykanku aaminsan yahay in Russia ay jebisey heshiiskii la kala saxiixeey sannadkii 1987.

Mareykanka ayaa sheegay in Russia ay tijaabisey gantaal cusub oo riddada dheer ah, tallaabadaasina ay ka hor imaneyso heshiiskii ay kala saxiixdeen hoggaamiyeyaashii hore ee Mareykanka iyo Midowga Soviets-ka Madaxweyne Ronald Reagan iyo Mikhail Gorbachev.

Eedeyntan ayaa imaneysa xilli ay cirka isku shareertey xiisadda u dhexeysa Washington iyo Moscow oo ka dhashey taageerada Russia u fidiso fallaagada gooni u goosadka ee ka dagaalama bariga Ukraine iyo weliba go’aankii Russia ay magangelyada ku siisey sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka Mareykanka Edward Snowden oo kashifey sir badan oo waddankiisu lahaa.

XS
SM
MD
LG