Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waraysi: Aabaha Dhalay Wiil Diyaarad Ku Dhuuntay


Laanta af Soomaaliga ee VOA ayaa waraysi la yeelatay aabaha dhalay wiil Somali-Maraykan ah oo ku hoos dhuuntay taayarka diyaarad ka duushay California oo u socotay Hawaii.

Warbaahinta dalkan Maraykanka iyo kuwa caalamka ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn u hadal hayay, wiilkan oo ah 16 jir.

Wiilkaasi ayaa magaciisa la yiraahdaa Yahye Cabdi, waxaana aabaha dhalay wiilkaasi oo lagu magacaabo Cabdullaahi Yuusuf Cabdi uu uga warramay VOA-da siday wax u dhaceen.

Waraysiga oo dhan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:43 0:00
XS
SM
MD
LG