Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Medvedev: Russia uma Dhutineyso Cunaqabateyn


Russian Prime Minister Dmitry Medvedev addresses the State Duma, lower parliament chamber, with annual report on country's economic and social development in Moscow on April 22, 2014.
Russian Prime Minister Dmitry Medvedev addresses the State Duma, lower parliament chamber, with annual report on country's economic and social development in Moscow on April 22, 2014.
Raiisul Wasaaraha Russian Dmitry Medvedev ayaa baarlamanka u sheegay in dalkiisa uu xamili karo kana badbaadi karo cunaqabateynta ay waddamada reer galbeedka ku soo rogeen xasaradda Ukraine darteed.

Khudbad laga baahiyey televishanka ayuu Mr Medvedev ku sheegay inaanu ku sii deyn doonin shacabka Russia inay la haysteyaal u noqdaan waxa uu ku tilmaamey madadaalada siyaasadeed iyo falalka aan saaxiibtinimada ku dhisneyn.

Raiisul Wasaaraha ayaa intaa ku darey inuu ku kalsoon yahay in dowladdiisa ay awoodi doonto inay yareyso caqabadaha ka dhalan kara cunaqabateynta, isla markaana uu qaadi doono tallaabooyin ku saleysan waxa uu ugu yeeray xaaladaha cusub.

Waxaa uu mudaneyaasha baarlamanka u xaqiijiyey in warshadaha Russia ee ku tiirsan taageerada suuqyada kale ay dowladdu dabooli doonto baahidooda.

Waxaa uu sheegay in Russia aaney qorsheyneyn inay hoos u dhigto ganacsiga kala dhexeeya Midowga Yurub, laakiin waxaa uu tilmaamey in iskaashiga Russia kala dhexeeya suuqyada kale uu yareyn karo khasaaraha dhalan kara.

Mareykanka ayaa sheegay inuu isku diyaarinayo inuu cunaqabateyn hor leh ku soo rogo Russia, haddii xukuumadda Moscow aanay qaadin tallaabooyin ay ku dejineyso xiisadaha ka aloosan bariga Ukraine.

Washington iyo Midowga Yurub ayaa horey cunaqabateyn dhinaca socdaalka iyo xanibaadda hantida ugu soo rogey qaar ka mid ah saraakiisha Russia.
XS
SM
MD
LG