Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Labaad oo Muqdisho Lagu Diley


Al-Shabaab fighters display weapons as they conduct military exercises in northern Mogadishu, Somalia, Oct. 21, 2010 file photo.
Al-Shabaab fighters display weapons as they conduct military exercises in northern Mogadishu, Somalia, Oct. 21, 2010 file photo.
Mudane kale oo ka tirsan baarlamanka Somalia ayaa maanta lagu diley magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka la diley oo magaciisa la yiraahdo Cabdicasiis Isaaq Mursal ayaa waxaa degmada Dharkeynley ku toogtey dabley hubeysan. Waxaa uu noqonayaa xildhibaankii labaad ee magaalada lagu dilo muddo 24 saac gudahood.

Shaley waxaa Muqdisho lagu diley Xildhibaan Isaaq Maxamed Riinow, kadib markii gaari uu watey uu bam lagu soo qariyey uu ku qarxey degmada Xamar Weyne.

Ururka Al-Shabaab uu sheegtay mas'uuliyadda dilka xildhibaanadan la diley.

Afhayeenka hawlgalada milateriga Al Shabab Shiikh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay in weeraradan ay ku beegsanayaan siyaasiyiinta ay muujineyso in dowladda aaney waxba ka qaban karin amniga.

Dilalkan ayaa imaanaya iyadoo maanta la filayo in Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shir looga hadlayo amniga dalka.
XS
SM
MD
LG